Somali

Vammaisperheyhdistys Jaatinen ry waa urur ay samaysteen familada haysta caruurta naafada ah sanadkii 1997.

Xarunta Jaatinen oo ku taala magaalada Helsinki gaar ahaan xaafada Malminkartano, waxa weeyaan xarunta ururka qoysaska naafada ah Xaruntayada waxaa isticmaali kara oo ku ciyaari kara ama la kulmi kara familada kale ee xarunta iyaguna isticmaala si bilaash ah. Dhamaan familada iyo caruurtooda naafada ah. Xarunta waxaa ku diyaar ah shaqaalaha xarunta oo u diyaar ah inay ka caawiyaan hagaana wax walba iyo wax yaabaha ku saabsan shaqada xarunta.


Hoyga xarunta waxa loo habeeyay si ay macquul ugu noqoto dadka naafada/ curyaanka ah in ay u isticmaalaan dhib la aan. Xaruntu waxa ku yaalla qol wayn oo caruurta ku ciyaarto. Qolkaas iyo qolal kale oo familada ka dhexeeya,  tusaale ahaan wax lagu aqrisan karo ama lagu dheelikaro game.

Qolka nasashada ilmaha waa lagu naas nuujin karaa, lagu seexin karaa, laguna tukan karaa. Xarunta waxa la keensan karaa  cunto waxa ay leedahay jiko si fiican u qalabaysan oo cuntada lagu kululaysan karo.

Waxa xarunta lagu qabtaa barmaamishyo badan oo loogu talagalay caruurta iyo dhalinyarada naafada ah iyo familkooda. waxa kale aannu qabanqaabinaa xaflado iyo kulammo ka dhexeeya familada.

Hadii aad u baahantahay in aad xarunta xaflad ku dhigato adiga iyo familkaaga, waa in aad xarunta xubin ka ahaataan.


Xarunteena waxa aad xubin kaga noqon kartaa halkaan: https://www.jaatinen.info/liity-jaseneksi/


Xarunta waxa aad ka ijaaran kartaa alaabaha gargaarka dhaqdhaqaaqa iyo caruurta ja dhalinyarada naafada / curyaanka ah ciyaaraha ku haboon.

Kenguru- vuokraamo waxa laga soo ijaaran/daynsan karaa tusaale ahaan baskiilo ama allabo kale oo ku haboon caruurta iyo dalinyarada naafada ah.


Pelikaani-pelivuokraamo waxa laga ijaaran/ daynsan karaa ciyaaro si ay familka oo dhan waqti u wada qaataan.


Informationka sida aad u imaan karto:

Xarunta adreskeedu waa Vellikellonpolku 1. Xarunta waxa aad u soo raaci kartaa si fudud tareenka ama baska. Hadii aad rabto in aad ku imaatid baabuurkaaga, waxa aad ku baarkingareysan kartaa xarunta parkinkeeda.

Inta ka aqriso  wax faahfaahin ah hadii ubaahnaato: https://www.jaatinen.info/yhteystiedot/


Kooxda dabaasha ee caruurta naafada daran ee Pikku- Miinat

kooxdan dabaasha  familka oo dhan baa ku wada raaxaysan kara. Dhamaan familka oo dhan waa ka soo qayb gali karaa, hadii ilmuhu uunan ku dabaalankarin dabaasha dadka dhan loogu talagalay naafanimada/curyaanimada daraadeed.


faahfaahin ururkeena iyo xarunta ku saabsan waxa aad ka heli kartaa pagekeenna: http://jaatinen.info/. Wixii suaalo ah halkan ayad noogu soo diri kartaa emailka: akseli@jaatinen.info


Xarunta iyo meelaha qalabka laga soo ijaarto/ kiraysto waxa ay furanyihiin isniinta ilaa iyo khamiista saacadda 10-16.